Breaking News- Kenya oo ku tilmaantay Amarkii Safiirkooda lagu eryey, mid aan la fahmi karin”

Wasiirka Arimaha Dibada Kenya Macharia Kamau oo ka hadlay Go’aankii ay Villa Soomaaliya ku eriday Safiirka Kenya u joogay Muqdisho ayaa sheegay in deg deg ka muuqdo Go’aankaas isagoo raaciyey ineysan fahansaneyn meesha lagala qaadey.

Wasiirku wuxuu tilmaamey in Kenya aysan fahansaneyn sababta dhabta ah ee Go’aankaan culus, isagoo ku tilmaamey Wax garasho la’aan Dublamaasiyadeed iney meesha ka muuqato.

Maanta ayay Kenya soo saaraysaa jawaab rasmiya oo ay uga jawaabayso Safiirkooda lagasoo eryey Muqdisho.

Puntlandi.com Garowe

<