Al-Shabaab oo qabsadey Tuulada Bacaadweyne ee Maamulka Galmudug

Tuulada Bacaadweyne oo ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa saaka waabarigii waxaa weerar gaadmo ah kusoo qaadey Maleeshiyada Al-Shabaab, Dagaal kooban ka dib waxay la wareegeen Xero Ciidan oo Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa Galmudug ku lahaayeen Deegaankaas.

Wararka laga helayo Dadka Deegaanka waxay sheegayaan in Ciidamadii halkaas joogay ay kala carareen, tasoo keentay in Maleeshiyada Al-Shabaab ay si sahlan ku qabsadeen Deegaanka.

Al-Shabaab oo goor dhaweyd la hadlay Saxaafada Koonfurta Soomaaliya waxay xaqiijiyeen qabsashada Bacaadweyne iyo Gawaari ay ka carareen Ciidamadii Deegaankaas ka joogay Galmudug iyo Fowlada Federaalka.

Khasaaraha weerarkaan ilaa hada lama oga inta uu gaarsiisan yahay, Dadka Deegaanku waxay sheegeen in Rag Madaxa ay Cimaamad ugu duuban tahay inay dhex lugaynayaan Tuulada Bacaadweyne.

Puntlandi.com Gaalkacyo

<