Daawo : – Waxgaradka iyo Odayaasha Beesha M/weyne Farmaajo oo aflagaado iyo dil ugu hanjabay Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh

Banaabax weyn oo lagu taageerayo Ololaha doorashada ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dhacay magaalada Garabahaaray ee Gobolka Gedo.

Odayaasha iyo Waxgaradka magaalada Garbahaaray ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Farmaajo oo goobtaas ka hadalay ayaa khudbado Aflagaado, dhaleceyn iyo hanjabaad dil ah hawada u mariyey Hogaamiyaasha Midowga Musharixiinta ee ka soo jeeda magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynayaashii hore ee Dalka sida Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Mudane Xasan Sheekh iyo sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sida laga dheehan karo shucuurata Odayaasha iyo Banaabaxyaasha ayaa waxaa muuqata in hadaan loo helin xal siyaasadeed khilaafyada siyaasadeed ee hadda jira in uu Dalku afka saari doono wado aad u foolxun oo mar kale umadda somaaliyeed u horseedi doonta kala aamin bax iyo burbur hor leh, taas oo masuuliyadeeda iyo cawaaqib xumada ka dhalata uu qaadi doono Madaxweyne Farmaajo oo lagu tuhmaayo inuu isagu dabada ka riixaayo Ololaha iyo Banaabaxyada caadifada qabiil ka ah huwan ee hadda ka socota qeybo Dalka gudihiisa ah iyo weliba baraha bulshadu ay ku xiriirto.

Halkan ka daawo hadaladii xanafta lahaa ee laga jeediyey Banaabaxa :

<