Breaking News.. Beesha Caalamka oo ukala dab qaadeysa Villa Soomaaliya, Maamul Goboleedyada iyo Midowga Musharixiinta

Warar rasmi ah oo Puntlandi.com ay hada gacanta ku dheceen, Waxay Beesha Caalamku si toosa faraha ula galeen Xaalada kasii dareysa ee Arimaha Doorashada.

Go’aankii ay Midowga Musharixiintu soo saareen ayaa noqdey mid ay Villa Soomaaliya iska dhaga tirtay tasoo keentay Dagaal Siyaasadeed oo hor leh, waana tan dhalisay in ay Beesha Caalamku ay tixgaliyaan baaqii Musharixiinta ee ahaa iney soo faragaliyaan.

Kulan ayaa hada wuxuu ka socdaa Garowe kasoo u dhexeeya Puntland iyo Beesha Caalamka, Waxayna Beesha Caalamku la tashanayaan Madaxweyne Deni ka hor intaysan Faraha la galin Arimaha Doorashada.

Muqdisho waxaa iyana hada ka socda kulan ay leeyihiin Midowga Musharixiintu kasoo ay uga Arinsanayaa Talaabada ay qaadayaan hada mar hadii Madaxweyne Farmaajo uu maqli waayay Soo jeedintii Musharixiinta.

Sida hada muuqata Madaxweyne Farmasjo wuu diiday inuu Isbadal ku sameeyo Gudiga Doorashooyinka, Halka ay Midowga Musharixiintuna ay maanta bilaabeen Dagaal Siyaasadeed cusub.

Beesha Caalamku waxay hada go’aansadeen iney faraha la galaan Arimahaan cakiran balse ma cada qaabka ay u wajahayaan iyo meesha ay ka bilaabayaan.

Puntlandi.com Muqdisho/Garowe

<