Madaxweyne Deni oo Garowe kula kulmay Wafdi EU ka socda

Wafdi uu hogaaminayo Safiirka Sweden ee Soomaaliya Stafan Tillender ayna weheliyaan Xubno kale ayaa maanta Garowe soo gaaray, waxayna Madaxtooyada kula kulmeen Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Labada dhinac waxay ka wada badaleen Arimaha murugsan ee Doorashada iyadoo Madaxweyne Deni uu Wafdiga uga mahadceliyey kaalmada ay siiyaan Soomaaliya.

Warar hoose oo Puntlandi ka heleen kulankaas waxay sheegayaan in Madaxweyne Deni uu sheegay in Doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo iyadoo la tixgalinayo Go’aamadii ay Musharixiintu soo saareen.

Hoos ka daawo Sawirada

<