Maraykanka oo safiir cusub umagacaabaya Soomaaliya

Liiska Safiirada uu badalayo Madaxweynaha Cusub waxaa u horeeya Safiirka Maraykanka ee hada jooga Muqdisho.

Sida lagasoo xigtay Dublamaasiyiin ku sugan Xerada Joe Biden , Kolka uu Joe Biden la wareegto Aqalka Cad shaqada ugu horaysa ee uu qabanayo waxaa kamida badalaya Safiirka Maraykanka u jooga Soomaaliya Donald Yamamoto.

Donald Yamamoto ayaa dhowr jeer oo hore waxaa laga gudbiyey dacwado la xiriira inuu faraha kula jiro Siyaasada Gudaha Soomaaliya, waxaa kaloo lagu eedeeyay inuu qayb ka yahay Musuqmaasuq dhacay Sanadkii 2018 kii.

Puntlandi.com Washington DC

<