HAMBALYO : – Jaaliyada Somaaliyeed ee Gothenberg – Sweden waxay Tahniyad u dirayaan Meherka Dr.Maxamed Cabdikaafi iyo Seynab Dahir Axmed

Waxaa maanta oo ahayd Isniin 23.11.2020 lagu qabtay magaalada Gothenberg -Sweden munaasibad aad u weyn oo kulmisay shacbiga Somaaliyeed ee ku nool magaladaas, xafladaas oo aheyd mid aad u qurux badneyd,si weyna loo soo agaasimay ayaa aheyd farxada Meherka Dr. Maxamed Cabdikaafi Xaashi-Lugey iyo Seynab Dahir Axmed.

Munaasibaadaa farxada leh awgeed waxay Jaaliyada Somaaliyeed ee magaalada Gethenberg Tahniyad iyo Hambalyo u dirayaan Meherka Dr.Maxamed iyo Seynab, waxayna Allaah qoyskaa cusub uga baryayaan baraare,barwaaqo iyo inuu Ebbe ku maneysto Awlaad saalix ah.

Sidoo kale waxaa Taniyada taas la mid ah diraaya:

Awoowe Cabdullaahi Xaashi Lugay

Ayeeyo Aamina Cali Guure

Aabe Cabdikaafi Maxamed Xaashi

Dhamaan Qoyska Reer Daahir Axmed

Dhamaan Qoyska Reer Maxamed Jaamac

Maamulka iyo Hawlwadeenada Shabkada Puntlandi waxay Hambalyo iyo Duco u dirayaan Dr. Maxamed Cabdikaafi iyo Seynab Daahir Axmed.

About Kassim 559 Articles
Wariye Madaxbanaan balse hada la shaqaynaya Puntlandi.com ilaa 01.01,2022
<