Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyey Geerida Marxuum Khaliif Ciise Mudan

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Dowladda iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Khaliif Ciise Mudan.

“Waxaan ka tacsiyaynayaa Geerida Alle ha u naxariistee Janaraal Khaliif Ciise Mudan oo runtii ahaa shakhsi muddo dheer dalka kasoo shaqeeyey,.

Madaxweynuhu wuxuu sigaara ugu tacsiyeeyey Qoyskii uu Marxuumku ka baxay iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

Marxuumku wuxuu saaka ku geeriyooday Dalka Turkiga , Waxaa lagu wadaa in Marxuumka lagu aaso Puntland maalmaha soo socda.

Puntlandi.com Dubai

<