Sawiro, Wararkii u dambeeyey Xaalada Roobabkii iyo Dabeylihii ku dhuftay Gobolada Bari, Gardafuu iyo Karkaar,

Magaalada Bosaso ilaa meel aan ka fogayn Baargaal, Xeebtaas dheer Badu aad ayay u kacsaneyd, khaasatan nawaaxiga Xaafuun iyo Hurdiya.

Tuulada Hurdiya ee ka tirsan Degmada Xaafuun waxaa kusoo rogmaday Bada, Biyo badan iyo dabeylo iswata ayaana wax yeelay Dhismayaal iyo Doonyaha yaryar ee Kaluumaysatada.

Bosaso ruuxeeda Baalashii Korontada iyo Kuwii Isgaarsiinta ayaa burburay, Laakiin khasaare nafeed ilaa hada lama diiwaan galin.

7 Qof oo Yamayiniin ah ayaa ku geeriyoodey nawaaxiga Xaafuun, meydkoodana Xeebta laga helay.

Maamulka Gobolka Bari iyo kuwa Karkaar ayaa lafilayaa iney soo qiimeeyaan khasaaraha ka dhashay Roobabka Dabaylaha wata.

Deegaanada Ufeyn ayaa iyana Roobab lixaad leh ka da’een Khasaare Xoolaha soo gaaray ayaa jira balse Dadka khasaare ma jiro, wuxuuna Roobka Xoogan gaarsiisan yahay Tuulooyinka Boqor,Tuulo Ciise, Tuulo Mireed iyo Tuulo Sanadkaab oo intuba hoos taga Degmada Uufeyn.

Abshir Maxamed Axmed Gudoomiyaha Degmada Bareeda ayaa Puntlandi.com u sheegay in Deegaanada ku dhow Bareeda ay aad u roobsadeen Waxyeelo aan ka ahayn Wadooyin burburay mooyee khasaare kale ma jiro, Miyiga ruuxiisa inta ilaa saaka laga warqabo Khasaare weyn lagamasoo sheegin ayuu yiri , Isagoo raaciyey in Gudiyo loo saarayo kawar doona Dadka Reer Miyiga ah.

Sawirkaan Hoose waa Togbarwaaqo Degmada Uufeyn oo biyo buuxdhaafsheen , Sawirada Hurdiyana hoos ka daawo

Sawiradaan hoose waa Tuulada Hurdiya oo khasaaraha ugu badan gaaray Dhismayaasha, Xalay Saqdhexe ayaa Badu gadaal u gurayay, kadib markay fiidkii kusoo Rogmatay.

<