Hadii Deni Keenay Heshiiskii Doorashada, Malaga yabaa Musharixiintu inay Farmaajo ka eryaan Villa Soomaaliya, mise wali Deni lagama maarmo

Xasuus kooban Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa lagu weeraray Gurigiida, Istaafkiisii waa lalaayay Isagana Xabsi ayaa loo taxaabay.

Madaxweynihii hore Dhariif Sheikh Axmed waxaa si sharaf ka dhac ah looga rabeeyey Diyaarad uu u raaci lahaa Kismaayo,

Xasan Shiikh Iyo Shariif Shiikh Axmed waxaa si ulakac ah loo Jaha wareeriyay Diyaarad ay u raaceen Baledweyne, waxaa loo diiday inay caga dhigtaan halkaas oo Hawada ayay wareegayeen Saacado, Waxaa la cadeeyay in ay khatarbugaleen iney Diyaaradu la dhacdo,

Dambiyada noocaas ah waxaa si Wadajir ah oo waliba ulakac ah u geystay Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Kheyre. Oo amaradaas bixiyay.


Madaxweyne Farmaajo iyo Howlwadeenadiisu waxay ku guulaysteen inay gacan bir ah ku qabtaan Muqdisho, Dhuudamareeb iyo Jowhar, iyagoo adeegsanaya Siyaasad isdaba wareejin ah oo uu u adeegsadey Siyaasiyiinta kasoo jeeda Deegaanadaas.

Shirkii Dhuusamareeb Madaxweyne. Farmaajo wuxuu ku sameeyay Afgabi, waxaana afgambigaas ka dhashay Buuq siyaasadeed, Mucaaradku waxay durba bilaabeen Qaylo dhaan ay ku diidan yihiin Waxyaabihii kasoo baxay Shirkaas oo ay wada saxiixeen Qoorqoor, Lafta Gareen iyo Waare, laakiin Madaxweyne Farmaajo dhag uma uusan jalaq siin qaylada Xisbiyada mucaaradka, oo uu horay uga manuucay inay ku shiraan Xarumahooda.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe waxay dareemeen inaan iyaga laga fursan karin, waxayna bilaabeen iney geed dheer u fuulaan sidii qashinka loogu dari lahaa Heshiiskii Dhuusamareeb, Dad badan waxay Aaminsanaayeen in Deni uu ka guulaysan doono Farmaajo halka Siyaasiyiinta qaarna ay sida kale aaminsanaayeen.

Saciid Dani wuxuu kasoo degay Muqdisho bilowgii bishii Sebtembar, Isagoo iskasoo hor mariyaan Ciidan iyo kooxo Muqdisho ka abuura Sawaxan Siyaasadeed.

Deni wuxuu mudo laba todobaad ah la wareegay Oo soo jiitay Reer muqdisho, Gurigiisana waxaa loosoo galay saf dheer, taasi waxay qayb ka ahayd Kaartadii uu Madaxweyne Deni ku fashiliyay Shirkii Dhuusamareeb, natiijadiina waxay noqotay Heshiiskii Rasmiga ahaa ee lagu saxiixay Muqdisho iyo in Madaxweyne Farmaajo uu Fagaare ka cadeeyo in uu laba Nin ka seexan waayay.

Hada waxay maraysaa Ninba waa goortiis

Waxa muuqata in xiligaan aysan ahayn Tookadii Deni iyo Axmed Madoobe,

Waana sugaynaa Natiijada Shirka Muqdisho uga socda Mucaaraaradka iyo inay gaaraan guushii Deni iyo Axmed Madoobe ka gaareen Heshiiskii Doorashada. Ama waxay noqonaysaa in mar kale teleefoon loo diro Garowe

Puntlandi.com Garowe

<