Duqa Degmada Xaafuun oo sheegay in Roobka iyo Dabaylo ay waxyeelo gaysteen

Gudoomiyaha Degmada Xaafuun Maxamuud Yusuf Garoow.

Roobabka Dabaylaha wata ee ku dhuftay Xeebaha Bari iyo Karkaar ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxyeelo u geystay Deegaanada Xeebaha ku teedsan iyo Badweyntaba.

Doonyo ayaa kusoo caariyay nawaaxiga Degmada Xaafuun ee Gobolka Karkaar, sida uu Saxaafada u sheegay Gudoomiyaha Degmada Xaafuun Maxamuud Yusuf Garoow.

Dooni ay wateen Kaluumaysato Reer yaban ah ayaa dabayluhu rogeen, Ilaa hada ma cada inta Qof saarayd Doonida laakiin 5 kamid ah Kaluumaysatadaas Meydkooda waa la helay .

Inta badan Xaafuun iyo Tuulooyinka u dhow koranto iyo teleefoonkiba waa go’een, Maxamuud Yusuf Garoow, Gudoomiyaha Degmada Xaafuun wuxuu yiri

  • “ Inta badan baaladhii Telefoonada dhulka ayay yaalaan, Dabaylo xoogan ayaa burburiyay, Deegaanada qaar waa kala go’an yihiin, Doonyo kaluumaysato oo Yamaniyiin ah waa la waysan yahay, halka Nin meyd ah aan Xeebta ka helnay”

Wasaarada Deegaanka iyo Cimilada Dowlada Puntland ayaa laba maalmood ka hor waxay ka digtay in Deegaanada Xeebalayda ay kusoo wajahan yihiin Roobab Dabaylo wata, Shacabkuna Way u dhaga nuglaadeen Digniintaas.

Warar waxaa jira sheegaya in nawaaxiga Degmada Xaafuun lawaysan yahay Xoolo, laakiin Dadka Dhacabka ah Khasaare lagama soo sheegin.

Dowlada Puntlanf ilaa hada wax tafaasiil ah kama aysan bixin Roobabka iyo Dabaylahaas,

Sida ay Puntlandi.com xogta ku hayaan Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Wasaarada Deegaanka ayaa Isniinta ka hadli doona Xaalada Guud ee Deegaanada Xeebaha Puntland ee Roobsadey.

Puntlandi.com Bosaso

<