Breaking News— Dabaylo iyo Roobab horleh ee Xeebaha ka socda Caawa, Xaafuun ilaa Baargaal

Deegaanada Xeebaha Puntland waxaa mar kale caawa ka da’aya Roobab Dabaylo wata, sida ay kusoo waramayaa Dadka deegaan Xeebeedka Gobolka Bari.

Deegaanada laga cabsida qabo in waxyeelo soo gaarto waxaa kamid ah Caluula, Qanadala Hurdiya, Xaafuun, Xiriiro ilaa Baargaal,

Xeebta dheer ee Gobolka Bari ilaa dhanka waqooyi ayaa iyana Cabsi xoogan ka jirtaa caawa oo isniin soo galayso, saxda dhexe.

Maamulka Gobolka Bari iyo Wasaarada Deegaanka Puntland ayaa maalmahaan Digniin u dirayay Shacabka ku nool Xeebaha.

Bosaso Roob xoogan ayaa caawa fiidkii ka da’ay inkastoo uusan wadan Dabaylaha ku dhuftay Deegaanada Raas Xaafuun iyo nawaaxigeeda.

Tuulada Hurdiya Biyo badan ayaa soo galay Tuulada, nasiib wanaag Khasaare Nafeed ilaa hada lagama soo sheegin.

Shacabka ku nool Xeebaha aad ayay u foojignaayeen, ayna isaga warqabeen ilaa caawa, Inta u dhaxaysa Qa

Masuuliyiinta Gobolka Bari wali kama aysan hadal Xaalada Deegaanada Roobsadey, Sidii kale Gobolka Karkaar cidna kama hadal Xaalada Deegaanada Raas Xaafuun.

Wixii kasoo kordha kala soco Puntlandi.com

Puntlandi.com Bosaso

<