Tigrey oo beenisay Sheegashada Xukuumada Dhexe ay ku sheegteen guulo

Afhayeen u hadlay Dowlad Deegaanka Tigreyga ayaa mar kale ku celiyey in Xukuumada Adis Ababa oo adeegsaneysa Saxaafada Dowlada iyo Wariyayaal u shaqeeya Saxaafado Caalami ah balse Kasoo jeeda Xabashi ay baahinayaan Borobogaando ay guulo ku sheeganayaan.

Tigrey waxay sheegeen in Dowladu ay Qarinayso jabka soo gaaray iyo guul darada ay ka gaareen Riyadoodii ahayd inay jabinayaan Xoogaga TPLF.

Afhayeenku wuxuu beeniyey in Deegaano laga qabsadey TPLF Laakiin wuxuu cadeeyey in Dayuurado lagu duqeeyey Deegaanada Tigrey.

Wuxuu Afhayeenka PTLF uu yiri “ Abiy Ahmed iyo Xulufadiisu hadey guulo gaareen Sawiro iyo muuqaal ha idin tuseen, Magaalo iyo Garoon Diyaaradeed ma qarsoomi karaane.

Xukuumada Federaalka Itoobiya waxay Saxaafadooda ka baahiyeen in Ciidamada Federaalku ay guulo ka gaareen Howlgalka.

Puntlandi.com Jigjiga

<