Madaxda Mucaaradka iyo Madaxweyne Deni oo kulan ku yeelan doona Nairobi

Maalmahaan waxaa Buuq Siyaasadeed dhex yaalay Masuuliyiinta ugu sareeya Mucaaradka Xukuumada Federaalka iyo Madaxweyne Farmaajo, buuqaasoo ka dhashay Gudigii Doorashada ee Xukuumadu ku dhawaaqdey.

Dhinaca kalena Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu Safar ugu maqnaa Itoobiya iyo Emaraatka, kamana uusan hadal Gudiga ay Xukuumadu u magacowdey Doorashada 20/21.

Wararka ay Warbaahinta Puntlandi.com helayso ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu soo gaabiyay dafardiisa uuna kusoo wajahan yahay Magaalada Nairobi si uu uga qaybqaati Xalinta muranka Doorashada.

Kulanka waxaa isugu imaanaya Inta aan ka warhayn , Xasan Sheikh, Sheikh Shariif, Shariif Xasan, Cabdiraxmaan Cabdidishakuur, iyo Madaxweyne Deni.

kulanka iyaga Igaaska ah kadib waxay la kulmayaan Wakiilada Wadamada Caawiya Soomaaliya ee loo yaqaan Beesha Caalamka.

Puntlandi.com Adis Ababa

<