KM Axmed Karaash oo shaqo joojin ku sameeyay Wasiir iyo Agaasime Wasaaradeed

Ku simaha Madaxweynaha Puntland isla markaasna ah Madaxweyne Xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan Karaash ayaa shaqo joojin ku sameeyay Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Bada Maxamuud Xaaji Saalax iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaasi KKh.B Cabdirisaaq Jaamac Aadan.

Wareegtada shaqada looga joojiyay labadaan Masuul oo kasoo Baxdey Xafiiska Madaxweyne Xigeenka ayaa hirgalaysa isla xiligaas, waxaana loo diray dhamaan cida ay qusayso.

Wararka ay Puntlandi.com helayaan waxay sheegayaan in Kadib Wadatashi uu Madaxweyne Xigeenku la sameeyay Madaxweyne Deni ayay wada go’aansadeen in shaqo joojin lagu sameeyo Labada Masuul.

Sababta Rasmiga ah ee Shaqada looga joojiyey labada Masuul ayaa ah isqabqabsi iyo khilaaf soo kala dhexgalay labadooda, taasoo uu Xeer illaaliyaha Guud ee Puntland uu codsadey in inta Kiisku socdo loo baahan yahay in shaqada laga joojiyo labada Masuul, si ay Dambi baarayaasha ay ugu sahlanaato Baarista Kiiska.

Warar waxaa jira sheegaya in Kiisku uu ka bilowdey Mashaariic iyo Kharashkooda oo la isku qabsadey.

Labada Masuul oo aan isku daynay inaan la xiriirno, Way suura gali waysay.

Waatan Waraaqdii Kusimaha Madaxweynuhu uu shaqada uga joojiyay labada Masuul.

<