Xog: Ijeedka Wafdiga Kenya ee Muqdisho tagay oo qayb ka ahaa Kiiskii Bada

Kolkii ay Maxkamada Aduunku dib u dhigtay Kiiskii Murankii Bada ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, Waxyaabihii la amray labada dhinac waxaa kamid ahaa in labada Dal ay isku dayaan inay kawada hadlaan Muranka u dhexeeya intaan la gaarin dib u furida kiiska, iyadoo Amarkaas Maxkamadu go’aamisay la fulinayo waxay ahayd in Labada dhinac ay kulamo ku yeeshaan Muqdisho iyo Nairobi.

Hadaba safarkii uu Xoghayaha Wasaarada Arimaha Dibada Kenya Macharia Kamau (Kenya’s Principal Secretary) ku tagay Muqdisho ma ahayn sida loo dhigay ujeedkiisu , ee ujeedada rasmiga ah waxay ahayd Kenya oo fulinaysay Amarkii Maxkamada, waxaana laga wada hadlayay Kiiskii Bada.

Warar Dublamaasi oo Howlwadeenada Puntlandi.com ay Heleen ayaa sheegaya in Laba bil ka hor la sugayay Wafdi ka yimaada Muqdisho inuu tago Nairobi balse kulankaas wuxuu ka baaqday dhanka Muqdisho,

Macharia Kamau Waxaa safarka ku weheliyey laba looyar oo Kiiska Bada ugu jira Kenya, Sida muuqatana Kenya waxay iska ilaalinaysaa in dhankeeda lagu eedeeyo inaysan isku dayin in Wadahadal laga yeesho Kiiska.
Xukuumada Soomaaliya Way qarisay in Kiiska Bada laga wada hadlay,waxay hadalka kusoo koobern in Safarki uu ahaa mid ku saabsan Ganacsiga iyo Soomaalida loo fududeeyo Fisaha Kenya,

Marwalba Xukuumada Soomaaliya waxay isku deydaa inay qariso waxwalba oo ku saabsan Kulamada looga hadlo Kiiska Bada.

Puntlandi.com Nairobi

<