RW Abiy Ahmed oo ka jawaabay Walaaca looga qabo Itoobiya in uu ka dhaco Dagaal Sokeeye

Tan iyo markuu bilowdey Khilaafka Raysal Wasaare Abiy Ahmed iyo Woomiyada Tigrey waxaa soo baxayay Walaac looga baqayo iney Itoobiya noqoto Soomaaliya oo kale, Walaacaas wuxuu xoogeystay kolkii Abiy Axmed uu is kuday inuu Khilaafka ku xaliyo weerar hubeysan, Iyo Dagaal ilaa hada Socda.

Raysal Wasaaraha Itoobiya wuxuu ka jawaabay Walaacaas ay Dalal badan qabaan wuxuuna yiri sidaan, isagoo isku dayaya inuu Dadka ku qanciyo inaysan Itoobiya burburayn.

  • “Walaaca laga qabo in Itoobiya ay gasho qalalaase waa mid aan sal lahayn & inaan la fahan samayn Natiijada Howlgalkaan iyo macnaha guud ee aan ku jirno, hawlgalkii ka dhacay Tigray si dhakhso ah ayaa loo soo gabagabeyn doonaa”.

Hadalkaan ayuu Twiterkiisa kusoo qoray kadib markii sy bateen Walaaca la qabo.

Kenya iyo Suudaan ayaa isku dayay inay ukala dabqaadaan Abiye iyo Togreyga, laakiin Abiy Ahned wuu ku gacan Sayrey.

Ururka IGAD ayaa iyana dalbadey Shir Deg deg ah oo laga yeelanayo Xaalada Itooboya.

Puntlandi.con Jigjiga

<