Gabadhii Soomaaliyeed ee Ridey Trump oo Aqalka Cad ku sii jeeda

Congresswomen Ilhaan Cumar waxay Sanadihii u dambeeyay Laf dhuun gashay ay ku ahayd Madaxweynaha Hanka weyn ee hada laga adkaadey Donald Trump, Labadoodu waxay Saxaafada isu marin jireen hadalo kulul.

Ilhaan oo ah Gabar Soomaaliyeed waxay geed dheer u duushay in Trump laga tuuro Aqalka cad, aakhirkiina iyada iyo Asxaabteeda ay isku Xisbiga yihiin waxay ku guulaysteen inay jabiyaan Gudaarkii Trump.

Ilhaan Cumar waxay hada kamid noqotay Siyaasiyiinta lagu casumay inay ka lhudbeeyaan Xaflada aay Xisbiga Dimoqoraadigu kula wareegayaan Furaha Aqalka Cad, Tani waxay wdna Xanuun iyo Dhiig kar kusii rideysaa Reer Trump.

Horay waxay Ilhaan mar ay ka hadlaysay Trump ay tiri “.Madaxweyneheenu wuxuu la Caqli yahay Ilma Lix jir ah”

Hadalada ay Ilhaan kula dagaalami jirtay Trump waxay qaarkood noqdeen kuwo caan baxay oo marmar tusaale fiican loosoo qaato, Dadka falanqeeya Siyaasada waxay Ilhaan ku tilmaameen inay qayb Libaax ka qaadatay ololihii horseedey guusha Madaxweyne Jeo Biden iyo ku xigeenkiida Kamala Haris.

Telefeshinka CNN Waxay yiraahdeen Gabdhaha Afrikan Amerikan iyo Asian Maerikan (Ilhaan iyo Harid) waxay sameeyeen Taariikh.

Puntlandi.com USA

<