Abiy Ahmed oo ku gacan sayray Kenya iyo Sudan oo dalbadey iney ukala Dab qaadaan isaga iyo Tigrey

Dowladaha Sudan Iyo Kenya ayaa midna di gaara iskeed isugu day’day iney ukala dabqaadaan Dowlada Itoobiya iyo Dowlad Deegaanka Tigrey si loo baajiyo Dagaalka.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in Raysal Wasaare Abiy Ahmed uu labadaan dalba ka diidey iney soo faragaliyaan Arimahaan.

Kenya waxay durba bilaabeen iney maraan dhanka IGAD waxayna Kenya dalbatay shir deg deg ah oo laga yeelanayo Xaalada Itoobiya.

Ururka IGAD wali kama jawaabin baaqa Kenya ee ku aadan in lakala dhex galo Dagaalka Itooboya.

Kenya waxay doonaysaa in Xasilooni iyo Wadahadal lagu dhameeyo Colaada ka dhex Aloosan Dowlada Dhexe ee Itoobiya iyo Maamulka Tigrey.

Madaxweyne Farmasjo oo ay saaxiib dhow yihiin Abiy Ahmed ka uusan hadlin Xaslada Iyoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa walaac ka muujiyey Dagaalka Itoobiya wuxuuna ku baaqdey in Xal kale ay labada dhinac ku dhameeyaan kala duwanaanshaha Siyaasada ee Abuuraya Colaad iyo Burbur Bulsho.

Puntlandi.com Jigjiga

<