Madaxweynihii Kiilka Amxaarada oo loo magacaabey Taliyaha Sirdoonka, Durbana Tuutaha qaatay

Madaxweynihii Maamulka Amxaarada Temesgen Tiruneh, wuxuu iska casilay Madaxweynanimada Kiilka, Raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa iscasilaadiisa kadib wuxuu u magacaabay Taliyaha Sirdoonka Itoobiya.

Temesgen Tiruneh markuu iscasilay waxaa Saxaafada lagu arkay isagoo labisan dharka Ciidamada , intaan loo magacaabin jagadaan cusub ee ah hogaaminta Ciidamada Sirdoonka Itoobiya.

Tani waxay sicad u muujinaysaa in Dagaalka lagu qaadey Tigrey uu yahay Dagaal Amxaaradu galisay Abiy Ahmed, waana tan keentay in Ay Oromadu kasoo horjeestaan Dagaalka.

Saraakiil badan oo Oroma ah ayaa kasoo horjeestay Dagaalka, waxayna Saraakiishaan diideen iney galaan Dagaal Amxaaradu u ololaynayso.

Saraakiisha Tigrey waxay guulo ka sheegteen Dagaalkii u dambeeyey ee Shalay dhacay, waxay sheegeen iney soo rideen Diyaarad Ciidan.

Puntlandi.com Jigjiga

<