George W. Bush Oo u hambalyeeyey Joe Biden

Bill Clinton, Barack Obama. Iyo Jimmy Carter ayaa Sabtidii u hambalyeeyey Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Joe Biden.

Madaxweynihii hore George W. Bush oo ay isku Xisbi yihiin Donald Trump ayaa maanta Hambalyo u direy Joe Biden

Bush wuxuu teleefoon kula hadlay Madaxweynaha la doortay si uu ugu hambalyeryo, wuxuuna sheegey inuu u balan qaadey inuu la shaqaynayo si le eg siduu balan qaadkaano kale u siiyey Madaxweyne Trump xiligii la doortay.

Bush wuxuu intaas raaciyey “Inkastoo ay isaga iyo Biden kala aragti duwanaan karaan hadana waa Nin wanaagsan oo ku guulaystay inuu hogaamiyo Dalka, waan u hambalyeeyey waana ka caawinayaa wuxuu iga baahdo”.

Masuuliyiinta ugu sareeya Xisbiga Madaxweyne Trump ee hada xilalka haya wali uma aysan tahniyadeyn Madaxweynaha la doortay, Madaxweynaha Laga adkaadey Donald Trump qudhiisu ma uusan la hadlin Joe Biden oo wuxuu wali aamin Dan yahay inaan laga guulaysan.

Puntlandi.com USA

<