Abiy Ahmed oo Isbadal ku sameeyey Saraakiisha Ciidamada

Raysal Wasaare Abiy Ahmed wuxuu weerar hubaysan ku qaadey Dowlad Deegaanka Tigreyga , Wuxuuna Hada isku shaandheyn ku sameeyey Saraakiisha ugu sareysa Ciidanka.

Saraakiisha la magacaabay kuma jiraan Soomaali, waxayna kala yihiin.

  • , Gen Berhanu Jula waxaa ahaa ku Xigeenka Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka,waxaa loo dalacsiiyey Taliyaha CXD isla markaasna hogaamin doona Duulaanka ka dhanka ah Tigreyga. ku xigeenkiisana waxaa loo magacaabay Abebaw Tadesse
  • Demelash Gebremichael, Waxaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Booliska Federaalka.

Dhanka kalena Waxaa hada Dagaal ka Socdaa Xuduuda u dhaxaysa Amxaarada iyo Tigrey , Wolo walbaaba waxay sheegansysaa guulo.

Puntlandi.com Jigjiga

<