Xaliima Yareey oo laga reebay Gudiga Doorashooyinka

Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) oo ahayd Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal oo filaysay iney qayb ka ahaato Gudiga maamuli doona Doorashada 2020 ayaa waydey booska filaysay.

Gudigu Doorashada ee uu Magacaabay Raysal wasaare Rooble ayaa lagu biiriyey Xubnihii ay soo direen Dowlad Goboleedyadu.

Xaliima Yarey ayaa waydey Booskeedii iyadoo aad ugu rajo wayneyd in Madaxweyne Farmaajo uu kusoo dari doono Gudiga Maamulaya Doorashada.

Puntlandi.com Muqdisho

<