Madaxweyne Trump oo inuu waasho qarka u saaran, Twitter awgiis

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo hada u muuqda Nin laga guulaysanayo ayaa caado u lahaa inuu isku mashquuliyo qoraalo uu soo dhigo Twitterka.

Trump wuxuu Aaminsan yahay in Saxaafadu ay ka hiiliso, Waana tan keentay inuu ku ciil baxo Qoraaladiisa uu soo dhigo Twitterka ,

Maalmahaan waxaa Trump daba dhigtay Shirkada Twitter-ka Waxayna bilaabeen iney Qoraaladiisa Tirtiraan intaan la akhrisan iyagoo ku eedeynaya Madaxweynaha inuu baahinayo warar aan jirin oo ay ka mid yihiin inuu sheeganaya inuu ku guulaystay Gobolada qaar aan wali Codkooda la tirin, Beentiisii ugu cajiibsanayd ee ay Twitterka ka hortageen waxay ahayd mid uu ku sheegtay inuu ku guulaystay Doorashada.

Hadaba Dadka aad uga faalooda lana socda Habdhaqanka Madaxweyne Trump waxay sheegeen In Qoraalada ay Twitterka ka tirtirayaan Madaxweynaha ay khatar ku yihiin caafimaadkiisa, Mar walba oo uu Qoraal soo dhigo teitterka, ayna ka tirtiraan waxaa sare u kacaya dhiigiisa, oo aad buu isugu mashquuliyaa , khaasatan xiligaan oo kale oo uu Dagaal Adag ku jiro.

Puntlandi.com

<