Biden Afar jaanis buu haystaa inuu guulaysto, Trump-na hal jaanis buu ku guulaysan karaa

Wali waxaa muuqata in aan la hayn Madaxweynaha Maraykanka ee Afarta sano ee soo socota laakiin waxaa la saadaalinayas in saacadaha soo socda ay wax isbadalkaan.

Gobolada harsan ee aan wali codtirintu dhamaan aad ayay isugu dhowyihiin Trump iyo Biden.

Joe Biden waxaa ka dhiman oo uu ku guulaysan karaa 6 Ergo halka Trump uu u bashan yahay 54 Ergo.

Gobolada dhiman waa kuwaan hoose iyo Ergada Gobol walba

  • Pennsylvania (20 Ergo)
  • Georgia (16 Ergo)
  • North Carolina (15 Ergo)
  • Nevada (6 Ergo)
  • Alaska (3 Ergo)

Joe Biden wuxuu haystaa Afar fursadoid oo uu ku guulaysan karo marka loo eego Afarta Gobol ee aan wali lasoo bandhigin natiijadooda, maadaama isagu uu u bahan yahay Lix Dhibcood(Ergo), wuxuu hada haystaa 264, Haduu gaaro 270, isagaa guulaysanaya.

Madaxweyne Trump xaslkiisu ma sahlana, wuxuu hada haystaa 214 wuxuu ku gaari karaa 270 inuu helo 56 ka mida afartaa Gobol ergooyinkooda.

Shaxdu waa sidaan Hadaba, Biden Afar jaanis,

  • Pennsylvania = 284
  • North Carolina = 279
  • Nevada = 270
  • Georgia = 280

Trumps hal jaanis baa u harsan oo ah

  • Pennsylvania + Georgia + North Carolina + Nevada = 273

Taas macneheedu waxaa weeye hadii uu Trump doonayo inuu sii deganaado Aqalka Cad waa inuu helaa dhamaan Ergooyinka afartaas Gobol, laakiin Biden hal Gobol oo qura haduu ku guulaysto uma baahna Sadexda kale.

Puntlandi.com US Election

<