US Election- Wararkii ugu dambeeyay ee Doorashada Madaxweynaha Maraykanka

Inkastoo Madaxweyne Trump uu guul sheegtay hadana cododka la tiriyay ilaa hada waxaa hogaaminaya Xisbiga Demoqoraadiga Ninka ugu sharaxan Madaxweynaha Joe Biden.

Tramp oo shir jaraa’id qabtay saaka Abaarihii 9 Subaxnimo saacada Soomaaliya wuxuu ku dhawaaqay inuunisagu guulaystay, Maxkamada sarena wuxuu ka dalbadey in Cod tirinta la joojoyo, Maadaama uu isagu guulaystay, wuxuu kaloo sheegay in Xisbiga la tartamaya ay Codka xadayaan.

Dad badan oo Taageerayaasha Daacada u ah Trump hadalkaas Way ka xumaadeen Wayna iska fogeeyeen.

Trump iyo Biden aad ayay isugu dhowyihiin ilaa hada natiijauada kasoo Baxdey Gobolada soo gudbiyey codkii ay tiriyeen, Biden wuxuu haystaa 235 Ergo halka Trump uu ka haysto 213 Ergo.

Gobolada wali dhiman oo aan soo gudbin Natiijada ayaa lagu kala baxaysa, waana kuwaan hoose, tirada ku hor qoran waa Degmooyinka Gobolada leeyihiin,

  • Alaska (3)
  • Georgia (16)
  • Maine (4)
  • Michigan (16)
  • Nevada (6)
  • North Carolina (15)
  • Pennsylvania (20)
  • Wisconsin (10)


Labada Masuul kii hela 270 Ergo wuxuu noqonayaa Madaxweynaha Maraykanka ee Afarta sano ee soo socota, Matalan hadii Joe Biden uu helo Gobolada dhiman sida Michigan iyo Gobolka uu isagu kasoo jeedo oo ah Pennsylvania oo isu geyn leh 36 Ergo, wuxuu Joe Biden helayaa 271 Ergo, sidaasuuna ku guuæaysanayaa, Si kale jadii loo dhigana Gobolada dhiman haduu ka helo 35 Ergo wuu guulaysanayaa, Trump waxaa laga rabaa inuu Gobolada dhiman ka helo ugu yaraan 57 ergo.

Ilaa caawa xiliga Soomaaliya ayaa Natiijada rasmiga ah la helayaa.

Puntlandi.com Washington DC

<