Joe Biden oo ku guulaystay Wisconsin

Doorashada Maraykanka ee Sanadkaan waxay u muuqataa mid noqon doonta sidii ay Dad badan Saadaalinayeen oo ah in muran iyo isqabqabsi uu dhex mari doono Donald Trump iyo Joe Biden.

Joe Biden ayaa Ku guulaystay Gobolka Wisconsin oo hada lasoo gabagabeeyey Cod tirintii, inkastoo uu Madaxweyne Trump ku adkeysanayo in dib loo tirayo codka Gobolkaan.

Gobolka Wisconsin wuxuu kamid yahay Gobolada ay daahdey tirinta kaararka Cod bixibta, Galabtadii hore ayaaba lasaadaalinayay in Biden uu ku guulaysanayo Gobolkaan oo kolkii hore Codkii la tiriyey uu hogaaminayay Trump.

Maxaa sababay inuu Joe Biden ku guulaysto Wisconsin Hadii Trump uu hogaaminayay

Kolkii cod tirintu ay bilaabatay waxaa durba hogaanka watay Kooxda Trump sababtoo ah Taageerayaasha Donald Trump waxay bilaabeen iney Codeeyaan Subaxnimo Talaadada iyagoo tagayay Goobaha Cod bixinta halka inta badan Taageerayaasha Joe Biden ay Sadex maalmood ka hor Talaadada ay bilaabeen iney ku codeeyaan Boostada oo waraaq ahaan ayay codkooda u direen.

Tirinta waxaa Lagu bilaabay in la tiriyo Codkii lagu bixiyey Goobaha Cod bixinta halka Dadkii Waraaqaha kusoo direy Codkooda loo dambaysiiyey , Waana tan keentay in Trump uu hogaaminayay Gobolkaan intii hore, laakiin Codbixiyaashii ku codeeyey Waraaqaha boostada codkoodii ayaa guushii u jiidey Dhankaas iyo Joe biden Shaxdaan hoose ayay kala heystaan labada Tartame hada.

Ninkii gaara 270 Ergo ayaa loogu yeerayaa President of United State Afarta sano ee soo socota

Puntlandi.com

US Election

<