Faysal Rioble oo ugu baaqay Soomaalida inay ka foojignaadaan Colaada kasoo socota Itoobiya

Siyaasi Faysal Rooble ayaa Masuuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ugu baaqay inay ka foojignaadaan ka Dagaalka u dhexeeya Xukuumada Dhexe iyo Qoomiyada Tigreega.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Cagjar uu u ololaynayo in la taageero Raysal wasaare Abiy Ahmed. Laakiin inta badan Siyaasiyiinta Gobolku Arinkaas lama qabaan Madaxweynaha.

Faysal Rooble oo ah Aqoonyahan ka faalooda Siyaasada Bariga Afrika wuxuu kula taliyay Hogaamiyayaasha Dowlad Deegaanka in ay iska ilaaliyaan inay dhinac raacaan, Si foojigana looga tashado Xaalada taagan, wuxuu ku baaqay in Aysan Macquul ahayn in Wiilasha Soomaalida lagaliyo Dagaal aysan shaqo ku lahayn.

Dowlada Dhexe ee Itoobiya ayaa Xalay oo Arbaco ah waxay ku dhawaaqdey Dagaal ka dhan ah Gobolka Tigreeya, isla Xalay waxay Tigreega qqabsadeen Xerada Ciidamada Cirka ee Federaalka, Xeradaasio ku taal Gobolkioda, waana Xerada ugu weyn ee Ciidamada Itoobiya.

Tigreega waxay saaka Xireen Hawada Gobolkooda waxayna sheegeen inay soo ridayaan Diyaaradii sii gasha shaqadooda,

Adis Ababa waxay iyana taas badalkeeda ay Hawada ka saareen Isgaarsiintii Gobolka,

Puntlandi.com Jigjiga

<