Weerar Dad ku dhintay oo lagu qaadey Magaalada Vienne ee Dalka Austary

Dalka Austary waxaa Xalay fiidkii ka dhacay Weeraro dhowra oo ay Dad Rayidka ku dhinteen, Ugu yaraan Lix goobood ayaa Qolyaha darandoorigs u dhaca lagu weeraray.

Weerarka u horeeyey waxaa lagu qaadey goob lagu qaxweeyo, Nin ayaa Rasaas ooda uga qaadey Makhaayada, waxaa xili yar kadib iyana la weeraray shan goobood oo ay kamid tahay Kaniisad Yuhuudu leedahay.

Ilaa hada Sadex Qof ayaa laxaqiijiyey inay dhinteen halka 15 Qof dhaawacmeen, Waliba dhaawacooda waxaa lagu tilmaamey mid halis ah.

Mid kamida Dadka weerarka geystay waxaa toogtay Ciidanka.

Wasiirka Arimaha Gudaha Austary Karl Nehammer Wuxuu weerarka ku tilmaamey mid Argagixiso ah, waxaana farta lagu fiiqayaa in Ururka Argagixisada ee IS ay ka dambeeyaan falkaan Argagixisada.

Puntlandi.com

<