Jowhar “ Baarlamaankii Cusbaa oo maanta dooranayaa Gudoomiye iyo Kuxigeenkiisa

Iyadoo wali uu taagan yahay muranka Siyaasadeed ee ka jira Hirshabelle ayaa hadana waxaa maanta lagu wadaa in la doorto Gudoomiyaha Baarlamaanka, Madaxweyne Waare oo saluugsan Xildhibaanada cusub qaabka loosoo xulay wuu iscasiæay.

Kulanka maanta ay Jowhar ku yeelanayaan Xildhibaanada cusub ee Hirshabeele waxay ku dhagaysanayaan khudbadaha Musharixiinta Gudoomiye iyo ku xigeenkiisa, waxaana Gudoomiyaha u sharaxan laba Xildhibaan oo kala ah Cabdixakiin Luqmaan Xaaji iyo Maxamed Maxamuud Goodir.Doorashadooduna waa Arbacada 4 Novembar.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dhariif Shiikh Ahmed Ayaa Jowhar ku sugan wuxuuna wali ku guda jiraa Xarunta muranka Siyaasadeed ee hareeyey Hirshabeele.

Iscasilaada Waare waxay iyana muujinaysaa in Beesha Baladweyne ay diidan yihiin qaabka wax loo wado.

Villa Soomaaliya ayaa lagu eedeynayaa inay afduubteen Doorashada Horshabeele.

Puntlandi.com Jowhar

<