Tigreya Waa Awooda Ciidan ee uguweyn Geeska Afrika

Dagaalka Siyaasadeed ee u dhexeeya Xukuumada Itoobiya iyo Maamulka Tigreega ayaa cirka galay tasoo laga cabsi qabo in Tigreya iyo Amxaatadu ay Iskaashi Siyaasadeed yeeshaan si ay ugawada dagaalamaan Xukuumada Abiye Ahmed.

Mr. Debretsion Gebremichael madaxweynaha ay Doorashadiisii Muranku ka bilowday ee Dowlad Deegaanka Tigreya wuxuu Xiriirkii u jaray Dowlada Dhexe mudo bil iyo bar laga joogo , waxayna labada Dhinac Hawada isu mariyaan hanjabaad.

Ciidamada Tigreeya oo uu dhisay Raysal wasaarihii hore ee Itoobiya Malez Zanawi ayaa ah kuwo Qalab iyo tababar fiican, 70% Hubkii casriga ahaa ee Itoobiya ayaa Meles Zenawi  isugu geeyey Gobolkaas, Waxaa iyana Deegaankooda uu ka sameeyey Xeebaha Ciidamada ee ugu waaweyn Itoobiya, iyo Warshado lagu rakibo Hubka iyo Kaarayaasha Casriga ah.

Meles Zenawi oo Itoobiya Xukumayay 1995 ilaa 2012 Wuxuu Gobolkiisa ka dhigay Awooda Ciidan ee ugu weyn Geeska Afrika.

Maalmahaan waxaa suuqa soo galay in Amxaatada oo deris la ah Gobolka Tegreya ay wadaan waanwaan hoose oo loogu tashanayo Adis Ababa, hadii taasi ay suura gasho waxaa loo yabaa Raysal wasaare Abiye oo isagu kasoo jeeda Qoomiyada ugu wayn Itoobiya balse ah Qoomiyada ugu Awooda yar marka loo eego Awooda Amxarada iyo Tigreeya.

Hubkaan hoose waxaa Itoobiya heysta oo qura Qoomiyada Tigreeya, waxaa jirta Hadal heyn Itoobiya dhex wareegta oo tasoo oranaysa hadii Amxaaro iyo Tigreey Heshiishiiyaan Adis Ababa waxay ku qabsan karaan Saacado gudohood, Itoobiya oo idilna waxay ku qabsan karaan halmaalin oo qura.

Puntlandi.com Itoobiya

<