Nus ka mid ah Xildhibaanada Wakhtigoodu dhamaadey ayaa ansixiyey Sharci cusub

Bishaa soo socota ee Decembar ayuu ku egyahay Wakhtiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, inta badan Xildhibaanadu waxay aadeen Deegaanadii lagasoo doortay si ay kursigooda u difaacaan.

Waxaa maanta Xarunta Villa Hargeysa isugu yimid ku dhowaad 140 Xildhibaan oo ay hogaaminayaan Labada Gudoomiye ee u sareeya Baarlamaanka Mursal iyo Muudey.

Sharciga Diiwaan galinta Dadweynaha ayaa Cod loo qaadey, dhamaantoodna Way Ansixiyeen Sharcigaan.

Su’aalo badan ayaa ka taagan sharcigaan ay xiligaan Ansixiyeen Baarlamaanku iyadoo goobta ay ka maqan yihiin kala bar Xildhibaanadii Qaranka.
Sharci markuu Ansixiyo Aqalka hoose waxaa loo gudbiyaan Aqalka Sare haday iyaguna Ansixiyaan waxaa loo gudbiyaan Madaxweynaha oo isugu Saxiixaya, Kolkaas ayuu noqonayaa Sharci rasmi ah.

Hadaba Sharcigaan cusub ee maanta uu ansixiyay Aqalka Sare ma waxaa loo gudbinayaa Aqalka Sare mise madaxweynaha si uu u saxiixo,

Puntlandi.com Muqdisho

<