Shariif iyo Farmaajo oo ku dagaalamaya Jowhar

Maamulka Hirshabele waxaa wali ka jira khilaaf ka dhashay Doorashada Maamulka khiæaafkadoo dib u dhigay Doorashadii maamulkaas.

Hada waxaad moodaa in Dagaalka Doyaasadeed ee ka jira Jowhar iyo Baledweyne uu hada sameeyey Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu xamanayay inuu ku lig leeyahay Uuna gadaal kasoo riixayo Khilaafka ka jira Hirshabeele, hada waxaa isna Garoonka soo galay Madaxweynihii hore Dhariif Dheikh Ahmed oo maanta gaaray Jowhar.

Safarka Madaxweyne Shariif wuxuu ku salaysan yahay inuu taageero Dhismaha Xukuumad aan ku tirsanayn Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif wuxuu u ololaynaya Siyaasiyiinta ka aragti duwan Kuwa taageerada ka helaya Villa Soomaaliya.

Imaatinka Sheikh Shariif ee Jowhar wuxuu rajo weyn Galiyey Siyaasiyiinta Reer Hiiraan oo cabdi xoogan ka qabay kooxda u tartamaya madaxweynaha Hirshabeele ee taageerada ka helaya Villa Soomaaliya.

Waxaa iyana Jowhar imaanaya maanta Wafuud ka socda Baledweyne oo Shariif Sheikh Axmed uu Casumaad u diray.

Puntlandi.com Jowhar

<