Dowlada Federaalka oo ka Baxdey Heshiiskii Doorashada

Siyaasiyiin badan ayaa horay uga shakisanaa qaabka uu kusii socon karo heshiis lala galo Madaxweyne Farmaajo, Oo ay Siyaasiyiintaas u arkaan Inuusan ku fiicneyn Taaba galinta Heshiisyada uu galo.

Waxaa hada muuqata in durba la hareer maray Heshiiskii Foorashada ee Madaxweynuhu uu la galay Maamul Goboleedyada.

Gudigii Doorashada oo Maamul Goboleedyadu ay soo gudbiyeen qaybtooda ayaa waxaa ila hada uusan Madaxweynu Magacaabin Qaybtiisii, tasoo dhabar jab ku ah sii socod siinta Howlaha Doorashada.

Qorshuhu wuxuu ahaa in Gudiyadu ay howshooda bilaabaan 1 Novembar Laakiin sida muuqata ma jiraan ilaa hada Gudi diyaar ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu eedeynayaa inuu wado Qorshe uu Xilka kusii jooga tasoo Dalka dib ugu celinaysa muran Siyaasadeed oo hor seexo kara Amaanxumo iyo burbur Dowladnimo.

Puntlandi.com Muqdisho

<