Ninkii Kaniisada Dadka ku laayay Faransiiska wuxuu Ahaa tahriibe Yurub ku cusub.

Kaniisada Notre Dame ee Magaalada Nice Dalka Faransiiska waxaa subixii khamiista lagu dilay Sadex Qof, dilakaasoo uu geystay Nin Tuunidiyaan ah, Ciidamada Amaanka ayaa toogtay Ninka waxaana hada lagu daweynayaa Isbitaalka.

Wararka Maanta la baahiyey waxay sheegayaan in Ninka weerarka geystay uu yahay Tuunidoyaan bYurub yimid dhowaan, waxaa la sheegay inuu laba bilood ka hor uu Yurub yimid, wuxuu Markab kusoo galay Talyaaniga, Arbacdiina wuxuu yimid Magaalada Nice halkaasoo uu Kaniisada ku weeraray subixii khamiista, wuxuuna ku dilay Sadex Qof.

Falkaan ayaa la sheegay inuu ahaa weerar Argagixiso,

Xaalada Amaanka Dalka Faransiiska ayaa hada la adkeeyey, waxaa na Dalka lagusoo daadiyay Ciidan gaaraya 7000 oo Askari kuwasoo ilaalinaya Iskuulada, Kaniisadaha iyo Masaajidyada.

Puntlandi.com France

<