Maxaabiis si Xooga loogala baxsadey Laascaanood

Weerar lagu qaadey Xabsiga Magaalada Laascaanood ayaa ujeedkiisu ahaa in laga galiyo Sadex maxbuus oo Kiis Dil u xiraa.

Maleesho Beeleed hubaysan ayaa Xabsiga soo weeraray waxayna la baxeen Sadex Nin oo oo maxaabiista kamid ahaa.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerarka, Waxaana jira dhimasho ka dhalatay weerarka oo Rasaas xoogan la isweydasrsadey.

Maxaabiista lala baxsadey waxaa maalmo ka hor soo xiray Booliska waxaana lagusoo eedeeyey iney Dil geysteen, wax Maxkamad ahna wali kamasoo taagin oo Maxkamad ayay sugayeen, waxaa sidaas Puntlandi.con u xaqiijiyey Saraakiil ka tirsan Booliska Gobolka Sool ee Soomaaliland.

Warar waxaa iyana jira oo sheegaya in Raga Xabsiga lagala baxay ay Itoobiya galeen.

Puntlandi.com Buuhoodle

<