Daawo Sawirada Madaxweyne Deni oo Adis Ababa u duulay

Madaxweynaha Dowlada apuntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Galabta u duulay Magaalada Adis Abababa ee Dalka Itoobiya.

Safarka Madaxweynaha ayaa ah Booqasho rasmi ah oo Sadex maalmood qaadan doonta, Wuxuuna kulamo ku yeelan doonaa Adis Ababa, Kulamadaas inta badan waxaa looga xaajoonayaa Xaalada Soomaaliya, Xiriirka Puntland iyo Itoobiya.

Codina ilaa hada tafaasiil kama bixin Safarka Madaxweynaha laakiin Wararka Puntlandi.com sy hordhac u heleen waxaa kamida Kulan dhex Mari doona Madaxweyne Deni iyo Wasiirka Ganacsiga Itoobiya oo qayb ka noqon doona kulamada Madaxweynaha.

Sawirada hoos ka daawo

Puntlandi.com Garowe

<