Wadamada Carabta oo saf ugu jira Isreal, Sudan oo iyana la heshiisay

Dowladaha Carabta ayaa iska ilaaway cadaawadii kala dhexaysay Isreal kadib markii Wadanka Isreal uu noqdey Awooda ugu xoog badan Bariga Dhexe.

Dalalka Emaraatka, Sacuudiga iyo Baxrayn ayaa horey heshiis ulagalay Tel aviv halka Sudan ay hada Wadahadal ula bilowdey.

Wararku waxay sheegayaan in Maraykanka ukala dabqaadayo labadaan Dal iyadoo Sudan la siiyey balan qaad ay kamid tahay in laga qaado Cunaqabataynta ay Maraykanku saareen.

Turkiga ayaa u horeeyey Wadamada Islaamka ee la heshiiyo Isreal , mudo dheer ayay Isreal ay Safaarad ku lahaayeen Dalka Turkiga.

Puntlandi.com Khartoum

<