Golaha Wasiirada Cusub oo loo waysan yahay Kooramka Baarlamaanka si Cod ka kalsoonida loogu qaado, maxay tahay sababtu

Raysal wasaare Rooble wuxuu soo magacaabay Golihiisa Wasiirada oo ka kooban todobaataneeye Xubnood, kuwasoo haysta ilaa bisha Feberaayo 2021 inay adeegaan.

Inay xafiisyadooda la wareegaan waxaa ka horeeya in ay helaan codka kalsoonida ee Xildhibaanada, Raysal wasaaruhu wuxuu maalmihii lasoo dhaafay ku mashquulsanaa inuu wakhti ka helo Baarlamaanka si uu u horkeeno Xukuumadiisa.

Caqabadaha hortaagan in Wasiirada cusub la Ansixiyo ayaa sida ay Warbaahinta Puntlandi.con ay xogta ku hayso waxay tahay Xildhibaanadii oo ay adkaatay in la isu keeno.

Maadaama ay soo dhowdahay Doorashadii Baarlamaanka isla markaasna kursi walba ay u tartamayaan Shaqsiyaad badan ayaa keeneentay in Xildhibaanadii ay u ordaan Deegaanadii lagasoo doortay si ay kursigooda u xagsadaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal ayaa maalmahaan wuxuu waayay kooram u codeeya Wasiirada cusub( Tirada Xildhibaanada ee u codeyn karta).

Sida aan xogta ku hayno ugu banaan 50 Xildhibaan ayaa hada Muqdisho ku sugan.

Puntlandi.com Muqdisho

<