Jarmalka oo ogolaadey dhaqaalihii lagu dhisi lahaa wada Garowe Gaalkacyo

Dowlada Jarmalka ayaa dib u fasaxdey dhaqaalihii lagu dhisi lahaa wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Garowe.

Dhaqaalahaan ayaa la joojiyay kadib markii ay Musiqmaasuq ku sameeyeen Xubno ka tirsanaa Xukuumadii Madaxweyne Gaas, waxaana bilihii u dambeeyay socdey wadahadal u dhexeeyey Puntland iyo Jarmalka.

Dowlada Puntland ayaa hada buuxisay sharuudihii ay Dowlada ajarmalku ku xirtay Xukuumada Madaxweyne Deni.

Jarmalku waxay kaloo hada balan qaadeen Dhaqaale gaaraya 30 Milyan oo Puntland looga caawinayo dhanka Caafimaadka.

Puntlandi.com Garowe

<