Wasiir ka mida Wasiirada Cusub oo lagu eedeeyey dambiyo uu geystay

Cabdulqaadir Maxamuud Nuur(Jamac) Wasiirka cusub ee Cadaalada oo kamid Golaha Wasiirada ee uu caawa oo isniin ah uu ku dhawaaqay Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu eedeeyey inuu qayb ka ahaa Dil iyo weerar.

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaciyey in Cadeymo loo hayo inuu Wasiirka cusub uu qayb ka ahaa Weerarkii lagu qaadey Xarunta Xisbiga Wadajir halkasoo ay ku dhinteen Dhalinyaradii waardiyaha ka ahayd Xarunta.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamey in Wasaarada Cadaalada loo dhiibo shaqsi noocaan ah.

Wasiirka Cusub ee Wasaarada Cadaalada iyo Sharciyada wuxuu ahaa Taliyihii Kumeelgaarka ahaa ee NISA xiliga la weerarayay Xisbiga Wadajir.

Puntlandi.com Muqdisho

<