Khadija oo joogtay halka Goodax iyo Maareeye xagsan waayeen

Wasiiradii hore ee Ciyaaraha Khadija Maxamed waxaa loo Wareejiyey Wasaarada maareynta Masiibooyinka halka Saaxiibadeed qaarkood ay xagsan waayeen kuraastooda.

Wasiirkii Waxbarashada Goodax Bare iyo Wasiirkii Warfaafinta Maareeye waxay qaadeen Wadadii Raysal wasaare Kheyre.

Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Beyle iyo Wasiirka Arimaha Dibada Axmed Cawad ayaa booskoodii xagsadey, Halka isna Wasiir Warfaa Wasiirkii Shaqada uu isna boos waayay.

Wajiyada Cusub waxaa kamid ah Gabadha Da’da yar Xaniifa Maxamed Ibraahim oo noqotay Wasiirka Haweenka , Xuquuqul Insaanka iyo Qoyska (Sawirka hoose)

Xaniifa Maxamed Ibraahim Wasiirada Haweenka ee Xukuumada Raysal wasaare Rooble

<