Cosoble oo Digniin u diray Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Hirshabeele Cali Cosoble oo u khudbaynayay Xaflad ay qabsadeen Beesha Xawaadle ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inuu faraha kula jiro kala heynta Xawaadle iyo Abgaal.

Cosoble wuxuu sheegey in hadii la joojin waayo fawdada kasocota Jowhar aysan cidna Hirshabeele cidi ka xigin, wuxuuna yiri sidaan, “Waxaan awoodnaa inaan Doorashada la tagno Baledweyne halkaasna kusoo dhisano Madaxweyne iyo ku Xigeen, Waxaan u sheegayaa Farmaajo inuu faraha kala baxo Xawaadle”.

Cali Cosoble oo wajigiisa Xanaaq ka muuqda ayaa hadalka u dhigay in Villa Soomaaliya ay kursiga Madaxweynaha Hirshabeele ka wareejinayso Beesha Xawaadle, lana doonayso Beel kale.

Muran ka Siyaasadeed ee hareeyey Doorashada Hirdhabeele ayaa hada meel kulul maraya waxaana eeda kowaad la saarayaa Dowlada Federaalka.

Puntlandi.com Baledweyne

<