M/weyne ku xigeen ka Puntland Axmed Karaash oo la kulmay qoyskii Dr.Cali Khaliif Galeydh

Madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta kula kulmay Muqdisho qoyska alle ha u naxariistee raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galayr.

Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash ayaa qoyska la wadaagay dhambaal tacsiya, isagoo illaahay uga baryay inuu marxuumka janadii geeyo iyagana samir iyo iimaan alle kasiiyo.

“Waxaan kulan laqaatay qoyskii alle ha u naxariistee Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galaydh oo aan uga tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd”

Axmed Karaash
About Kassim 559 Articles
Wariye Madaxbanaan balse hada la shaqaynaya Puntlandi.com ilaa 01.01,2022
<