Muran ka taagan Doorashada Hirshabeele

Kadib markii ay Gudiga Doorashada Hirshabeele ay soo saareen Jadwalka Doorashada ayaa waxaa ka hor yimid Siyaasiyiinta ugu caansan Deegaanka iyo Madaxweynaha Hirshabeele.

Cali Cisible ayaa Gudiga ku eedeeyay mid hal dhinac ka daran oo Xafiiska Madaxweyne Xigeenka lagasoo xulay, wuxuuna ku tilmaamay Dad aan khibrad u lahayn shaqada loo xilsaaray.

Madaxweyne Waare ayaa isna ka horyimid shaqda Gudiga iyo Jadwalka ay soo dhajiyeen, wuxuuna isna ku tilmaamay Dad aqoon lahayn inay so qorren Jadwalka.

Madaxweyne Xigeenka Hirshabelle ayaa lagu eedeynayaa inuu ku lug leeyahay shaqada Gudiga , balse Madaxweyne Waare ka digay in khalkhal Siyaasadeed la abuuro.

Puntlandi.com Jowhar

<