Gobolka Tigray oo Dhaaciyay inay San ka tirsanayn Federaalka Itoobiya

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa Dalka Itoobiya ka socdey Dagaal Siyaasadeed oo u dhexeeya Adis Ababa iyo Gobolka Tigray kasoo ka dhashay Doorashadii Gobolkaas ay qabsadeen xili Raysal wasaare Aby uu diidanaa in Doorasho dhacdo.

Madaxweynaha la doortay ee Gobolka Tigray Debretsion Gebremichael  ayaa maanta shaaciyey in aysan aqoonsanayn Xukuumada Ka jirta Adis Ababa, laakiin kuma uusan dhawaaqin inuu ka go’ay Itoobiya.

xurguftaan ayaa ka dhalatay kadib markii Raysal wasaare Abiy Ahmed uu dib u dhigay Doorashadii Baarlamaanka, Waxaa iyana si ootamatik ah iyana dib loogu dhigay Doorashooyinkii Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka laakiin waxaa dib u dhigaas kasoo hor jeestay Tigray- ga oo ku tilmaamay Dharci daro, waxay kaloo ku adkeysteen in Doorasho ka dhacayso deegaankooda, tasoo ku dhacdey Wakhtigii loogu tala galay.

Laakiin Adis Ababa ma aysan aqoonsan Doorashadaas waxayna ku hanjabeen inay weerarayaan Gobolka hadii aan laga laaban Doorashada.

Hadalka maanta kasoo yeeray Tigray ayaa aad waxaa usoo dhaweeyey Dhacabka Gobolka, balse Adis Ababa wali kama aysan jawaabin.

Puntlndi.com Adis ababa

<