Madaxweyne Deni oo Dubai kula kulmay Masuuliyiin Emaaraatka ah

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdiga uu hogaaminayo ee ku sugan Emaaraatka Carabta ayaa Magaalada Dubai wuxuu kula kulmay Maduuliyiin ka tirsan Wasaarada Arimaha Dibada Dalkaas.

Masuuliyiinta ayaa waxay kawada hadleen Xiriirka Soomaaliya iyo Emaaraatka iyadoo Madaxweyne Deni uga Mahadceliyey Kaalmada Emaaraatku siiyaan Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa Fowlada Maaraatka kala hadlay Xiriirka Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Abu Dhabi kasoo waayadii dambe mugdi ku jiray,

Tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo uu Xilka la wareegay wuxuu banaanka u riixay Dowlada Emaaraatka badalkeedana waxay Villa Soomaaliya soo dhaweysay Dowlada Qatar, waxaana jira Xan sheegaysaa in Dowlada Qatar ay ka dambeysay In Villa Soomaaliya ay Xiriirka u jarto Emaaraatka.

Soomaaliland iyo Puntland ayaa ku adkeystay Xiriirka Emaraatka waxaana wali ka dhexeeya Xiriir qodo dheer.

Puntlandi.com Garowe

<