Bombo lagu tuuray Goob lagu shaaheeyo Magaalada Kismaayo

Goob lagu Shaaheeyo ayaa Xalay lagu tuuray Bombo gacmeed xili fiidkii ah Magaalada Kismaayo ee Caasimada Jubbaland.

Xiliga weerarkii dhacayay waxaa goobta ku sugnaa Dad rayid ah oo ku cawaynayay Makhaayada, Cidna ma aysan sheegan falkaan

Sida la xaqiijiyey Lix Qof ayaa dhaawacyo kaladiwan soo gaareen, Dhimashana lama sheegin., Sida ay Ciidamada Amaanku xaqiijiyeen.

Magaalada Kismaayo ayaa ka mida Magaalooyinka ugu nabdoon Soomaaliya , waxaanaxiliyada habeynkii lagu caweeyaa Goobaha lagu Shaaheeyo,

Puntlandi.com Kismaayo

<