Xog — Safarka Madoobe iyo Deni ee Nairobi waa wadahadal Xiriirka labada Dal

Warar hoose oo Warbaahinta Puntlandi.con ka heshay Safarka Madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Puntland Daciid Cabdullaahi Deni ay ku aadeen Dalka Kenya ayaa sheegaya inuu ku saabsan yahay wada xaajood ku salaysan Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya qaabkii loo hagaajin lahaa.

“Xukuumada Madaxweyne Farmaajo ayaa abuurtay Colaad ka dhex Aloosan Soomaaliya iyo Kenya tasoo u baahan in la damiyo, waana safar ay wax ka ogyihiin Musharixiinta ugu cadcad Doorashada Soomaaliya , Labadaan Masuul waxaa loo xilsaaray iyagoo kaashanaya Siyaasiyiinta Asal ahaan Soomaalida ah ee Kenya inay xal ka keenaan soo celinta Xiriirkii labada Dal siduu ahaa Sadex sano iyo Bar ka hor” Waxaa sidaas Puntlandi.con u sheegay Sargaal ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa horay Kenya uga codsadey in Maxkamad lasoo taago Askartii falka fool xumada ah ka geysatay Ceelwaaq, kuwasoo Dad Shacab ah u laayay si aan bini’aadanimo ahayn.

Iskusoo duuboo Axmed Madoobe iyo Deni waxay ka Odoyaynayaan Xiriirka labada Dal.

Puntlandi.com Nairobi

<