Xasan Sheikh iyo James Swan oo ka arinsaday Doorashada Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee Dalka Xasan Dheikh Maxamuud iyo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan oo maanta oo Axada kulmay ayaa islasoo qaadey Arimaha Doorashada.

Mdaxweyne Xasan Sheikh oo matalaya Mucaaradka ayaa Qaramada Midoobey u cadeeyay inay ku qanacsan yihiinHedhiiska Doorashada shalay ay meelmariyeen Baarlamaanku.

Xasan Sheikh wuxuu intaas raaciyey in hada wixii ka dambeeya la isu diyaarinayo soo xukida Xildhibaanada isagoo sheegay in qaabkaan uu yahay kan ugu sahlan sababtoo ah waa kii kal hore oo kale marka wakhti badan kuma kulmayo.

James Swan Ergayga Gaarka ah ayaa isna dhankiisa muujiyay sida Beesha Caalamku ay u Garab taagan yihiin Soomaaliya iyo In Dalka ay ka dhacdo Doorasho ay Saamilaydu isku raacsan tahay, Swan wuxuu soo dhaweeyey in Mucaaradku ay ku qanacsan yihiin Heshiiska Doorashada.

Ugu dambayntii labada Masuul waxay isku raaceen in lagawada Shaqeeyo sidii Doorashadu u guulaysan lahayd iyo in ay noqoto mid ku salaysan Cadaalad iyo Amaan.

Puntlandi.con Muqdisho

<